Marka Hooyo Dacalada
Dadbin uga Hadheysee
Dulsaarkiyo Af daahiyo
Sarta Dusha Ka Saartee
Daadkiyo Darroorimo
Aaney Docaha soo galin
Ninka Dirac haweenaad
Dadab kula Wadaagee
Durbaan loogu Tumayee
Dugsigaa dhex jiifoow
Darajada Adduunyada
Duuduub Adoow helay.

Innaguse Daranyiyo
Daltebyaa na heysoo
Duul Dhuroobay maahine
Hadmaan Doobigoo Culan
Geela Daaqa Ciiddii
Dambartiyo Liskiisiii
Ka Durduuran Doonnaa.?

Waxba yaan ku Daalinoo
Deelleeyda Maansada
Doowgeey laheyd iyo
kusoo Duwo ujeedkee
Nin Dibad ku nooloo
Barafku uu Dilloodoo
Daashaday Kuleylkoo
Dalkiisii ka Dhoofoo
laba Daran dhex joogoo
ka Dib dhacay Asaagii
Sidee loo Daryeelaa
Ama lagu Dabiibaa.?

Diintii ma Caasiyin
Muslim maag umaa Dilin
Anoo Dumar usoo dhaxay
Zina maanan Deymoon
Cidna Deyn iguma laha
Dakanana kamaa Galin
Degmadiina leydiid.

Waxa leey Dilaayee
Waagii Dillaacaba
leey Dooxo yaa garan.?